Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12 bisha November 2018 kulan ku yeelanaya xarunta golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka duulista hawada iyo ku noqoshada miisaaniyadda 2018.

Maalintii Arbacada aheyd ayaa kulankii Golaha Shacabka uu u baaqday kooram la’aan,hayeeshee Maanta oo Isniin ah lagu wargeliayay xildhibaanada in uu jiro Kulanka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacbaka ayaa weli waxaa horyaalla Ajandooyin dhowr ah,kuwaas oo u baahan inay dood ka yeeshaan si ay u meel mariyaan ama ay u diidaan.