Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya

Mudo bil kadib Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa kaas oo u qabsoomi waayay khilaaf ka dhex jiray Guddoonka Golaha Shacabka.

Khilaafka guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka dhashay warbixintii Guddiga Maaliyadda Golaha iyo kala diristii Guddoomiye ku xigeenka 1aad,hase ahaatee uu taasi kasoo horjeestay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sidoo kale waxaa khilaafkaas sii dheereeyay mooshin ay sheegeen in Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka inay ka keeneen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,wallow mooshinkaas iyo khilaafkii Guddoonka Golaha Shacabka si hoose loo xaliyay.

Maanta oo Sabti ah ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay yeelan doonaan kulankodii ugu horeeyay kadib khilaafkii Guddoonka Golaha ee la xaliyay.

Ajendaha kulanka ayaa ah Akrinta iyo ka doodista miisaaniyadda dowladda 2019.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulan Golaha Shacabka,isla markaana ay soo xaadiraan.