Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulmaya

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulankoodii ugu horeeyay ku yeelanaya xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, kadib furitaanka Kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka maanta uu yahay mid xasaasi ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii ina dhaaftay furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay si wada jir ah uga qeyb galeen xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay oo xalay aheyd waxaa lagu wargeliyay in maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana laga dalabay in ay ku yimaadaan waqtiga lagu balamay.

Ajandaha kulanka maanta ayaa waxa uu yahay ka doodista arrinta la xiriirta Heshiiska Dekeda Berbera ee saami qeybsiga ah oo ay wada gaareen Dowladaha Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, kaasi oo dhaliyay muran badan.

Ciidamada Booliska ayaa sidii caadada aheyd waxa ay xireen wadada horumarta xarunta Golaha Shacabka, waxaana loo diidayaa inay halkaasi maraan gaadiidka rayidka iyo Mootooyinka Bajaajta.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa waxa ay sheegeen heshiis walba oo la galayo kuna saabsan Deked, Bad, Khayraad iyo kuwo kale in ay u idman tahay Dowladda Federaalka, ansixintiisana keliya ay sameyn karaan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Madaxda ay heshiiska Dekeda Berbera ku tilmaameen mid sharci daro ah.