Xildhibaanada golaha shacabka oo yeelana kulan xasaasi ah.

Maalinta Berri ah waxaa lagu wadaa in ay yeeshaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in kulan wada jir ah ku yeeshay xarunta Villa Harhaysa, kaas oo looga hadlaya dib u eegista dastuurka ku meel gaar ah oo ay doodiisa taagan tahay.

Fariin loo diray Xildhibaannada labada Aqal oo ay Muqstaqbal Media heshay ayaa u qorneed sidatan, “Barri oo Isniin ah taariikhduna tahay 12.02.2024, waxaa jira kulan Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Ajendaha kulan ayaa lagu sheegay in uu yahay dib uu eegista Dastuurka, iyada oo Xildhibaannada labada Aqal loo qeybin doona nuqulka soojeedimaha wax ka bedelka Dastuurka iyo Warbixinta la socota.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa kulanka wada jirka in ay warbixin laga dhagaysto gudiga dib u eegista iyo la-socodka Hirgelinta Dastuurka, kuwaas oo muddo ka soo shaqeenayay wax ka badalka dastuurka ku meel gaar ah.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli dood dib u eegista dastuurka ay taagan yahay, waxaana horay uga hor yimid Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxdii hore ee dalka oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore.