*Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka JFS oee laga soo doorto Maamulka Koonfur galbeed ayaa Mooshin Ka Dhan Ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ka Gudbiyey Kadib Weerarkii Lagu Qaaday Ciyaartooyda Koonfur Galbeed*
Qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee laga soo doorto Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gudbiyey mooshin culus oo jawaab u ah weerarkii shalay loo geystay ciyaartooyda maamulkaas. Weerarkan ayaa dhacay Muqdisho, ka dib markii ay soo idlaatay ciyaar kubadda cagta ah oo u dhaxeysay xulalka Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Xildhibaan Cabdirashiid Jileey, oo ka mid ah xubnaha mooshinka gudbiyay, ayaa faahfaahiyay ujeedka mooshinkooda. Wuxuu sheegay in mooshinkan uu ka dhan yahay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud, iyadoo ujeedku yahay in wasiirka lala xisaabtamo falkaas. Xildhibaanka ayaa tilmaamay inay doonayaan in xilka laga qaado wasiirka, maadaama la dayacay amniga ciyaartooyda.
Sidoo kale, Xildhibaan Jileey ayaa sheegay in mooshinkooda sidoo kale uu ku wajahan yahay hay’adaha amniga ee mas’uulka ka ahaa ilaalinta nabadda ciyaartooyda iyo garoonka weyn ee Muqdisho. Wuxuu carabka ku adkeeyay sida ay uga xun yihiin falkii shalay dhacay, isagoo yiri, “Waxaan si weyn u cambaareyneynaa falkii guracnaa ee ka dhacay shalay, kaas oo loo geystay ciyaartooyda Koonfur Galbeed. Runtii arrintaasi qurux badan ma ahan.”
Tallaabadan ay qaadeen xildhibaannada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa imaanaysa xilli maanta laga falceliyay weerarkii ciyaartooyda lagu qaaday. Waxaa jiray booqasho ay sameeyeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Dhalinyarada, Taliyaha NISA, Duqa Magaalada Muqdisho, iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliya, kuwaas oo ka gaarabeeyay weerarkaas.
Weerarkan lala beegsaday xulka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed ayaa abuuray caro xooggan gudaha bulshada, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay inay gabi ahaanba ka baxeen tartanka Koobka Kubadda Cagta ee u dhaxeeya maamul goboleedyada dalka, kaas oo hadda maraya meel xasaasi ah