Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay, iyadoo la ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, taas oo gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, sedax boqol iyo sideetan milyan, sideed boqol iyo todobo kun, laba boqol iyo afartan iyo laba dollar).

Ansixinta miisaaniyadda waxaa taageeray 174 xildhibaan, halka afar xildhibaan ay diideen, hal xildhibaanna uu ka aamusay. Miisaaniyadani ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa qorsheynta dhaqaale ee dowladda iyo dadaalka lagu xoojinayo adeegyada bulshada, amniga, iyo horumarinta dalka.