Xildhibaanadii Mooshinka Kaweday Jawaari oo shaaciyay in xilli dhow ay BF horgeynayaan Mooshinka

Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Mooshinka ka wada Guddoomiyaha Golaha hacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin tanaasul ku aadan Mooshinkii ay wadeen.

Waxaa jirtay dadaalo soconayay oo la doonayay in lagu xaliyo khilaafka jira, balse xildhibaanada Baarlamaanka ee wada Mooshinka ayaa ku adkeysanaya in Mooshinkooda ay horgeeyaan Baarlamaanka.

Waxa uu qorshaha ahaa in maanta oo Isniin ah uu furmo kulanka Golaha Shacabka balse ay soo korortay cilad farsamo, kadibna sidaasi uu ku baaqday kulanka, sida ay xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Waxaa soconaya dadaalo ah in fadhiga Baarlamaanka uu qabsoomo maalinka Abacada ah, iyada oo xildhibaanada Mooshinka wada ay dadaal ku bixinayaan sidii maalinkaas Mooshinka ay u horgeyn lahaayeen Mudanayaasha.

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri “Madaxweynaha lama hadlin raggii Mooshinka waday, sharcina uma lahan inuu burburiyo Mooshinka, wuxuu la kulmay Guddoonka Baarlamaanka, waxaan Arbacada horgeyn doonaa Mooshinka xildhibaanada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Sabtidii hakiyay kulanka Baarlamaanka oo la doonayay in looga hadlo laba Ajande oo iska soo horjeeday, lagana cabsi qabay inuu ka dhaco gacan ka hadal.