Xildhibaanda Golaha shacabka oo maanta kulmaya

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay yeeshaan kulan looga hadlaayo xeerhoosaadka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Golaha Shacabka ayaa bilaabay ka doodida xeerhoosaadka Golaha Shacabka Sabtidii lasoo dhaafay.

Kulankii Arbacadii ayaa baaqday ka dib markii la waayay Kooramkii loogu tala galay in lagu furo Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana dhacday in uu baaqday kulankaasi.

Hubanti La’aan ayaa ka taagan maanta in uu kulanku dhici karo iyo in kale.