Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay xeer Muhiim ah

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xildhibaannada golaha Shacabka,waxaana kulankooda ay uga doodayeen dhameystirka dooda ku saabsan xeerka qoondada haweenka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,waxaana goobjoog ka ahaa,waxaana dood dheer kadib 134 Xildhibaan ayaa ogolaadeen in kuraasta haweenka aan lagu darin kuwa raga oo loo gaar yeelo, halka 7 Xildhibaan ay diideen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in Xerkaan oo kamid ah xeerarkii ay gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta xeerarka doorashooyinka uu yahay mid ansax ah.