Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay doortaan xubin cusub oo buuxinaysa kursi ka bannaan Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka 11-aad.
Kursigan ayaa bannaan muddo sanad ah, kaddib markii uu xilka iska casilay Xildhibaan Mowliid. Doorashada lagu buuxinayo booskaan ayaa waxaa ku tartamaya laba musharrax oo kala ah Xildhibaan Cumar Cali Isxaaq (Balash) iyo Xildhibaanad Luul Ibraahim Cumar, kuwaas oo olole xooggan ka dhex wado Xildhibaannada Baarlamaanka ee xaqa u leh in ay codkooda dhiibtaan.
Xubinta la dooranayo ayaa ka imaaneysa deegaan doorashada Koofur Galbeed, iyadoo xildhibaanka ku guuleysta doorashada maanta si rasmi ah loogu dhaarin doono xubinnimada Guddiga Dastuurka. Intaas kaddib, wuxuu si toos ah uga mid noqon doonaa xubnaha Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan arrimaha Dastuurka.
Guddiga Dastuurka ayaa ah mid ka mid ah guddiyada ugu muhiimsan ee Baarlamaanka, waxaana xilkiisa ka mid ah in uu la shaqeeyo hay’adaha dowladda ee wadaagga mas’uuliyadda arrimaha Dastuurka. Markasta oo loo baahdo in isbeddel ama dib-u-eegis lagu sameeyo Dastuurka, Guddigan ayaa ka shaqeeya diyaarinta iyo u gudbinta Golaha Shacabka, si loo mariyo habraacyada sharci ee ku habboon.