Xildhibaanno ka Socday Bulshada Bariga Afrika oo Booqasho Ku Yimid Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA), kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Wafdiga ayaa ka koobnaa mudanayaal baarlamaan oo ka kala socday Rwanda, Uganda, Kenya, Burundi, Koonfur Suudaan iyo Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane Maxamed Faatir.

Xildhibaannada ayaa sheegay inay si toos ah u soo arkeen isbeddelka dhinacyada nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyagoo si gaar ah u bogaadiyey horumarka ka socda magaalada Muqdisho iyo dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska iyo iskaashiga gobolka.

Wasiiru-dowlaha, oo ay kulanka ku wehlinayeen agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, ayaa wafdiga u sharaxay mudnaanta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee ku aaddan ka faa’iideysiga fursadaha ganacsi ee Bulshada Bariga Afrika (EAC). Waxa uu sidoo kale ugu baaqay xubnaha Baarlamaanka EALA inay taageeraan dadaallada Soomaaliya marka arrimaha la xiriira isdhexgalka gobolka iyo horumarinta ganacsiga laga doodayo Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, iyadoo la dardargelinayo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isdhexgalka gobolka.