Xildhibaano BJFS oo Soo Dhaweeyay Qabashada Doorashada iyo Magacaabista Guddiga Koonfur Galbeed

Xildhibaano ka tirsan labadda gole ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (BJFS) ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka Maamulka Koonfur Galbeed ee ku aaddan qabashada doorashooyinka iyo magacaabista Guddiga Doorashada ee maamulkaasi.

Xildhibaanadu waxay ku tilmaameen tallaabadan mid muhiim u ah xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda iyo hirgelinta doorashooyinka hufan ee ka dhaca gobolka, iyagoo sidoo kale ku boorriyay maamulka iyo guddiga cusub inay u gutaan waajibaadkooda si daahfuran oo loo dhan yahay.

Sidoo kale, xildhibaanadu waxay xuseen in doorashooyin hufan oo la qabto ay kaalin weyn ka qaadan doonaan xasilloonida siyaasadeed, wadajirka bulshada, iyo horumarka Koonfur Galbeed, iyadoo lagu xisaabtami doono nidaamka dastuuriga ah iyo shuruucda u yaalla maamulka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan ku dhawaaqay magacaabista guddigan cusub ee doorashooyinka, taasoo qayb ka ah qorshayaasha lagu xaqiijinayo hufnaanta iyo daahfurnaanta nidaamka doorasho ee gobolka.

Ugu dambeyn, xildhibaanadu waxay ku baaqeen in dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah ay ka qeybqaataan taageerada doorashooyinka si loo helo hanaan dimuqraadiyadeed oo lagu kalsoonaan karo.