Xildhibaano Cusub Oo lagu dhaariyay Kismaanyo

Waxaa xarunta golaha wakiillada dawlad goboleedka Jubbaland maanta lagu dhaariyay xildhibaan Maxamad Nuur Janagale oo buuxinaya booskii uu baneeyay xildhibaan Jaamac Cabdi Guure oo xilkiisii iska casilay 13kii bishan Juun ee aynu ku guda jirno.

Xildhibaan Maxamad Nuur ayaa xilka kursigan horay uga qabtay baarlamaankii koobaad ee golaha wakiillada Jubbaland waana xildhibaankii xilkan kula tartamay xildhibaanka haatan is casilay.

Hab raaca doorashada xildhibaannada golaha wakiillada Jubbaland ayaa dhigaya in xildhibaanka baneeya kursigiisa uu booskiisa buuxinayo xildhibaankii kursigan kula tartamay.

Xildhibaanada Jubbaland ayaa hadda dib bilaabay Kulamadooda caadiga ah ka dib markii ay Fasax galeen, waxaana aad u yaraa kulamada baarlamaanka, maadama ayasan aqoonsan dowladda dhexe ee Soomaaliya.