xildhibaano Gaaraya 100 Mudane oo ku sugan xarunta Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka oo saakay la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in xarunta Golaha Shacabka ay saakay aroortii soo gaareen ina ka badan 100 xildhibaan.

Xildhibaanada xarunta Golaha Shacabka waqti hore u xaadiray ayaa waxa ay yihiin kuwa Mooshinka ka wada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheeh Cusmaan (Jawaari).

Sida lagu balansan yahay xarunta Golaha Shacabka saakay waxaa ka dhacaya kulanka xildhibaanada ay codka kalsoonida ugu qaadayaan Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari, inkastoo laba Ajande loo kala diray xildhibaanada.

Xildhibaan Xildhibaan Cabdi Cali ayaa yiri “Xildhibaanada waa ay joogaan xarunta Golaha Shacabka waxa ay tiradooda gaareysaa illaa 120 Xildhibaan, kuwa kalena waa ay soo socdaan saacadaha soo socda kulanka Baarlamaanka wuu furmayaa, Ajandahana sidii horay loo sheegay codka kalsoonida ayaa loo qaadayaa Gudoomiye Jawaari.”

Ammaanka xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn ee magaalada lagu arkayaa Ciidamo wata Gaadiidka Dagaalka oo sugaya ammaanka.