Xildhibaano Hir-Shabeelle Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay G/Shabeellaha Dhexe

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya, inta u dhaxeysa degaanka Qalimow iyo degmada Balcad waxaa weerar jidgal ah galabta lagula barilmaameedsaday Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo ciidan galbinayay.

Rag ka tirsan Shabaab gaar ahaan kuwa jugta culus ayaa laba 7 la helay laba gaari oo midi ay saarnaayeen masuuliyiin Hirshabeelle ka tirsan, halka kan kalena uu ahaa gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidan, sida ay inoo xaqiijiyeen masuuliyiinta Hirshabeelle.

Masuuliyiinta Hirshabeelle oo soo xiganaya ilo dhinaca Millitariga ah ayaa inoo sheegay in weerarkan lagu dilay laba xildhibaan oo ka tirsan Hirshabeelle, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Daahir Mukhtaar, waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Raage Ceelle Muuse Afweyne, dhammaan xubnahan ayaa saarnaa gaari nuuciisa uu ahaa PRADO.

Waxay kaloo masuuliyiinta Hirshabeelle inoo sheegeen in sidoo kale weerarkan lagu dilay 7 askari oo ka mid ahaa kuwii xildhibaanada u soo galbinayay magaalada Muqdisho, waxayna ka soo ambabaxeen magaalada Jowhar.

Al-shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in weerar jidgal ah ay u dhigeen kolonyo galbineysay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeele, halkaasina ay ku dileen 12 qof oo isugu jirta saraakiil iyo ciidan.

Madaxda ugu sareysa ee maamulka Hirshabeelle weli falkan dhacay faah faahin rasmi ah kama aanay bixin, weerarkan wuxuu ku soo aaday xilli magaalada Baydhabo uu ka socdo shirka Golaha amniga Qaranka oo madaxda ka qeyb galeysa uu ka mid yahay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.