Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin waxa ay ka waddaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.
Xildhibaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday mooshinka, waxaana lagu waddaa in ay saacaddaha soo socda ay u gudbiyaan Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ayaa la gaarsiiyay Saakay Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Wixii Soo Kordha kala socda Radiogalgaduud.com