Xildhibaano katirsan hirshabeele oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Tira Xildhibano ah oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa shir ku yeeshay Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo shirkooda uga hadlayay xaaladaha kusoo cusboonaaday deegaanada maamulkaas.

Xildhibaannadan oo kor u dhaafaya ilaa 30 ayaa shirkooda waxaa ay kaga hadleen arrimo badan oo ku saabsan xaalada deegaannada Hir-Shabeell,waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay uga hadleen mooshin la sheegay in laga dayaarinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.

Magalada Jowhar ayaa sidoo kale maalmahan waxaa ka dhacayay kulamo kala duwam,waxaana aad looga hadal hayaa mooshin la sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaannada Hir-Shabeelle ay ka wadaan guddoomiye Cusmaan Barre Maxamed.

Waxaa kaloo xusid mudan in uu jiro khilaaf u dhaxeeya guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen kaas oo salka ku haya qabsoomida kulamada Baarlamaanka oo uu soo xiray Guddoomiye Cusmaan Barre Maxamed.

Xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ee shirka ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ilaa iyo hadda aysan war kasoo saarin shirkooda,hayeeshee wararka la helayo ay sheegayaan inay uga hadleen khilaafka guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo mooshinka la sheegay in laga wado Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.