Xildhibaano lagu dhaariyay Magaalada Jowhar

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi lagu dhaariyay xildhibaano cusub oo kusoo biiray Baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaan Sakariye Muumin Hilowle iyo Xildhibaan Saadaq Muqtar Cabdulle oo kamid noqonaya xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta loo dhariyey xilkooda.

Labaddaan Xildhibaan ayaa buuxin doona Boosaska Xildhibaano ka tirsanaa Hirshabeelle oo geeriyooday.

Dhawaan ayay aheyd Markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle uu sheegay in loo baahan yahay in la buuxiyo Boosaska ka banaan Baarlamaanka Hirshabeelle.