Xildhibaano Maanta loo diiday in Ay Galaan Xarunta Golaha Shacabka

Waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho ka  furmay kulanka Xildhibaanada ay leeyihiin,waxaana la sheegay in qaarkood laga hor-istaagay inay xarunta Galaan.

Tiro Xildhibaano ayaa lagu soo waramayaa in Maanta loo diiday gelintaanka Xarunta,isla markaana ay kahor-istaageen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

AKHRISO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominaya ayaa ciidamada ugu baaqay inay dhowraan xasaanada Xildhibaanada.

Waxa uu ka codsaday guddiyada amniga iyo difaaca Golaha Shacabka inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan ishor-istaaga maanta lagu sameeyay Xilhibaanada Golaha Shacabka.

Inta badan Wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa Maanta u xirnaa wafdi ka kala socday dowladaha Itoobiya iyo Ertirea oo muqdisho yimid,waxaana taasi ay saameyn ku yeelatay Xildhibaanada iyo dadka Shacabka intaba.