Xildhibanada hirshabelle oo Soo dhoweeyay gudi uu magacaabay Waare

Qaar kamid ah Xildhibaannada Hir-Shabeelle ayaa soo dhaweeyay guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa waxaa dood ka keenay siyaasiyiinta iyo Haweenka ku nool degaannada Hir-Shabeelle, kuwaas oo sheegay in aan loo dhameyn Xubnaha Guddiga uu Magacaabay Madaxweynaha.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Hir-Shabeelle oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in muddo xileedka Madaxda Hir-Shabeelle uu dhamaaday, sial markaana ay muhiim tahay in doorasho la aado.