Xilliga la furaayo kalfdhiga Aqalka Sare oo la shaaciyay

Kulan ay yeesheen guddiga joogtada golaha aqalka sare ayaa maanta lagu ansixiyay qorshaha Furitaanka kalfadhiga 5aad ee aqalka Sare, ka doodista iyo Ansixinta qorshe howleedka kalfadhiga 5aad ee golaha .

Kulankaan waxaa ka soo qeyb galay inta badan xubnaha joogtada ah ee Aqalka Sare iyo Guddoonka Aqalka Sare, waxaana ay sheegeen in Aqalka Sare uu shaqadiisa bilaabi doono 16 Bishaan.

Hab-dhowraha golaha aqalka sare BFS Sen. cabdi kaafi macalin xasan, waxa uu sheegay in fadhiga looga dooday ajandaha horyaala oo ay ugu muhiim sanayd Furitaanka kalfadhiga 5aad, isaggoo hadalkiisa sii raaciyay in la Go’aamiyay furitaanka 16ka bishan oo ku beegan maalinimada Sabtida.