Xilliga laqabanaayo Tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada oo la shaaciyay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan Ciyaaraha maamul goboleedyadda in lagu qaban doono Tuuladda Cayaaraha Soomaaliya ee Muqdisho Studium.

Wasiirka dhalinyaradda iyo cayaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warbaahinta u sheegtay in qabanqaabadii ugu dambeysay ee Garoonka Muqdisho ay so socoto, islamarkaana lagu sameyn doono dib u habeyn si ciyaaraha loogu qabto.

Waxa ay sheegtay in dhawaan uu bilaaban doono wajigii Labaad ee dhismaha Garoonka Muqdisho, islamarkaana dib loo dhigay tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyadda oo lagu waday in la qabto Bishaan.

Khadiijo ayaa sheegtay in tartanka la qaban doono Bisha April ee sanadka 2019-ka, islamarkaana lagu qaban doono Garoonka Muqdisho.