Xilshibaanada Golaha Shacabka oo maanta soo gaba gabeynaya dooda la xiriirta amniga

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay soo gaba gabeynayaan dooda la xiriirta ammaanka magaalada Muqdisho, kaasi oo daba socda kulamadii shalay iyo maalinkii ka horeysay ee looga hadlayay amniga Muqdisho.

Xildhibaano ka mid ah mudanayaasha ka qeyb galayay dooda ee haray ayaa maanta jeedin doona khudbadahooda ku aadan xaaladaha dalka ka taagan gaar ahaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Doodii shalay oo aheyd mid xasaasi ah ayaa xildhibaanada jeediyay khudbaha intooda badan waxa ay walaac ka muujinayeen xaaladaha ammaan ee magalada Muqdisho, iyaga oo xukuumadda ku eedeeyay inay ku fashilantay wax ka qabashada amni darada ka jirta Muqdisho.

Xildhibaanada ugu badan ee ka hadlay labadii maalmood ee la soo dhaafay dooda Baarlamaanka ayaa isku aragti ka ahaa arrimaha dhanka ammaanka ah ee ka jira magaalada Muqdisho iyo qorshe la’aanta xukuumadda ee dhanka amniga.