Xiriirka Kubadda Cagta Yurub Ee UEFA Oo Cambaareeyay Dhibaatada Loo Geystay Michael Oliver & Xaaskiisa Kadib Rigooradii Uu Siiyay Real Madrid.

Garsooraha reer England Michael Olivier ayaa dhexda ka galay mowjad muran ah kadib markii uu rigoore ka dhigay Juventus kulan ay guul ka heleen Real Madrid balse ay isaga hareen tartanka Champions League.

Bianconerri oo sadex gool kasoo laabatay ayuu garsoraha da’da yar ka dhigay rigoore waqtigii dhimashada kadib markii Benatia uu qalad ku galay Vazquez, muran badan ayaa laga keenay go’aankiisa waxeyna gaartay heer aflagaado loo geysto isaga iyo xaaskiisa.

Xiriirka qaaradda yurub ee UEFA ayaa u muujiyay iney garab taagan yahiin Olivier, waxeyna ka dhawaajiyeen iney cambaareynayaan dhibaato walba oo gudaha iyo banaanka garoonka loogu geystay Michael Olivier.

“Waan la xiriirnay si aan taageero ugu muujino, waxaan kalsooni ku qabnaa in saraakiisha qaabilsan ay talaabo ka qaadi doonaan dadka sida aan habooneyn ula dhaqmay intii uu ku jiray garoonka iyo baraha bulshadaba” ayuu yiri afhayeen u hadlay UEFA oo la hadlayay BBC Sport.

“Si xoog leh ayaan u cambaareyneynaa ficilada ay sameeyeen”

 Booliska Ingiriiska ayaa bilaabay baaritaanno kadib markii Lucy Olivier ay heshay tiro aflagaado ah oo loo mariyay barta twitter-ka sida ay baahisay BBC.

Sidoo kale dhawr fariimo hanjabaado ah ayaa taeefoonkeeda gaarka ah ugu soo dhaca, kadib markii ay ciyaarta dhamaatay.