Xisbiga Himilo Qaran Oo War Kasoo Saaray Shirka Shidaalka Soomaaliya Ee London

Waxaa isa-soo taraya Xisbiyada dalka ka jira ee kasoo horjeestay shirka ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Batroolka kaas oo Maanta oo ku beegan 7 February ka furmaya Magalada London ee dalka Ingiriiska.

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif  Sheekh Axmed ayaa Bayaan ay soo saareen waxa ay dowladda ka dalbadeen in la joojiyo qabsoomida shirkaas.

Shirka oo ay sidoo kale abaabulkeeda ay leedahay Shirkadda Spectrum ayaa Xisbiga Himilo Qaran waxa uu sheegay in weli aan la dhameystirin qodobka 44aad ee Dastuurka KMG ee ka hadlaya qeybsiga kheydraadka,sidoo kalena aan la dhaqangelin heshiiskii dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Horay ayaa waxaa War-saxaafadeed ay soo saareen qaar ka mid ah Xisbiyada dalka waxa ay ksoo horjeesteen shirkaas,iyaga oo sheegay in uu yahay mid lagu xaraashayo xirmooyinka shidaal ee gaaray 50 Blocks oo ah dhul ku teedsan 173,000 KM.

Hoos Ka Akhriso Bayaanka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran.