Xisbiga Kurdiska-iran oo sheegay inay burbureyso Iran.

Sarkaal ka tirsan mucaaradka Kurdiyiinta oo sheegay in nidaamka Iran uu burbur ku dhow yahay

Amjad Hussein Panahi, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Xisbiga Komala ee Kurdistan, ayaa sheegay in nidaamka Iran uu wajahayo cadaadis gudaha iyo dibaddaba ah, isla markaana uu aaminsan yahay in nidaamku uusan sii jiri doonin muddo dheer.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Al Jazeera, Panahi ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo bulsho oo kala duwan ay ka shaqeynayaan isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca Iran.

Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqooda uu qayb ka yahay waxa uu ku tilmaamay “Kacaanka Haweenka ee Nolol Xor ah”, isagoo xusay in kooxo iyo qoomiyado kala duwan ay iska kaashanayaan sidii loo gaari lahaa isbeddel siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, Panahi wuxuu caddeeyay in barnaamijka siyaasadeed ee xisbigiisa iyo isbahaysiga xisbiyada Kurdiyiinta Iran uusan ku jirin qorshe gooni-isu-taag, balse ay doonayaan Iran oo leh nidaam awoodaha la kala qeybiyay.

Wuxuu sheegay in ujeedkoodu yahay in la dammaanad qaado xuquuqda qoomiyadaha kala duwan ee Iran, sida Kurdiyiinta, Baloch, Carabta iyo Faarisiyiinta, isla markaana la joojiyo xukunka dilka iyo xadgudubyada kale ee xuquuqda aadanaha.

Panahi ayaa sidoo kale sheegay in xisbigiisu uusan helin taageero Maraykanka ilaa hadda, balse uu tilmaamay in taageero kasta oo dibadeed ay kordhin karto dadaallada mucaaradka ee lagu doonayo isbeddel siyaasadeed gudaha Iran.

Hadalladan ayaa imanaya xilli xiisado siyaasadeed iyo militari ay ka jiraan Bariga Dhexe, iyadoo Iran ay wajahayso cadaadis caalami ah iyo khilaafaad gudaha ah oo sii kordhaya.