Xisbiga Uu Hogaamiyo Xasan Sheekh Oo Baaq udiray Dowlada

War qoraal oo ka soo baxay Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ee uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa baaq loogu diray laamaha amaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xisbiga UPD ayaa laamaha amniga dowlada ugu baaqay in ay si deg deg ah baaritaan dhab ah ugu sameeyaan kooxihii ka dambeeyay dilkii shalay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir loogu geystay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Shacabka, si cadaaladda loo horkeeno.

Sidoo kale Qoraalka Xisbiga UPD ayaa waxaa lagu sheegay in Marxuum Boqorre  uu kamid ahaa aasaasayaasha Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka.

Al-shabaab ayaa sheegay Mas’uuliyadda dilkii loo geystay Allaha u naxariistee xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre,waxaana Maanta lagu aasay gudaha Magaalada Muqdisho.