Xisbiga WADDANI oo canbareyay Xarig lagula ka cay dad baraha bulshad uga argti duwanaaday Somali land

WARSAXAAFADEED
Xisbiga WADDANI waxa uu cambaraynayaa xadhigga lagula kacay weriyayaal iyo dadka baraha bulshada Ra’yigooda ku cabbiray oo ku kala xidhan magaalooyinka Boorama, Berbera iyo Ceerigaabo.

Taariikhdu markay ahayd 28/05/2023, magaalada Ceerigaabo waxa lagu xidhay wariye Warsame- Kaafi Cabdirashid Aadan, oo ka howl gala Telefishanka MMTV.

Sidoo kale 14/05/2023, waxa Boorama lagu xidhay weriye Cali Ismaacil Aarre (Cali Waaheen) Oo ah saxafi madax bannaan.

Xadhiga saxafiyintani looma marin sifo sharciga waafaqsan waxaanu xadhiggoodu lid ku yahay dastuurka Somaliland oo dammaanad qaaday xorriyadda hawlahooda shaqo.

Dastuurka Somalilaland, qodobka 32 (3) waxa uu sheegayaa” saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xoriyaadka asaasigaa ee ra’yi dhiibashada, waxaanay lee yihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo lagu cabudhinayo; howshoodana xeer baa nidaaminaya”
Sidaa awgeed, Xisbiga WADDANI waxa uu walaac xooggan ka qabaa xadhigga sii kordhaya ee had iyo goor xukuumaddu kula kacdo warbaahinta madaxa bannaan iyo dadka kale ee aragtidooda cabbira oo aan dariiq sharci loo marin.

Dhanka kale waxa Magaalada Berbera ku xidhan Cabdicasiis jaamac Cilmi oo baraha bulshada ku baahiyey aragtidiisa dhibaatada laydh la’aanta ka jirta magaalada Berbera.
Xisbiga WADDANI waxa uu xukumadda ugu baaqaya in dhammaan wariyeyaasha iyo muwaadiniinta sida sharci darrada ah loo xidhay xorriyaddooda si dhakhso ah oo bilaa shuruud ah loogu celiyo.

YONIS AHMED YONIS
Xoghayha Caddalada Xisbiga WADDANI