Waxaa saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo,halkaas oo shalay uu dagaal saacado badan qaatay ku dhexmaray Ciidamada dowladda ay dhawaan geysay degmadaas iyo kuwa Maamulka Jubbaland.
Dagaalkii shalay ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan inay ku geeriyoodeen 5 Ruux oo labada dhinac ee dagaalamay ah halka 15 Ruux oo Shacab u badan ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo la geeyey Isbitaalka degmada Doolow.
Sidoo kale intii uu dagaalka socdey ayaa waxaa tiro madaafiic ah ay ku dhaceen Xaafado ka tirsan degmada Beled-Xaawo,waxaana dad ku sugan degmadaas ay Risaala u sheegeen in madaafiicda ay ku gubteen dhowr Guri oo dadkii deganaa ay ka barakaceen.
Dadka degmada ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in saaka ay dareemayaan xoogaa xasilooni ah,hayeeshee ay weli dareemayaan cabsi,waxaana Gudaha degmada Beled-Xaawo iyo deegaanada dhanka xaduudka ah lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo qeybna ka ahaa dagaalka ayaa Guulo ka sheegtay,halka Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Eng, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamad uu sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid dhinaca Dowladda.