XOG: Rekoodhadii Iyo Waxyaabihii Taariikhiga Ahaa Ee Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay AS Roma Guuldarada Wayd Gadhka U Galisay Barcelona.

Caasimada dalka Talyaaniga ee Rome waxay xalay u ahayd habeen farxadeed iyo damaashaad kadib markii ay Roma soo bandhigtay mid ka mid ah qaab ciyaareedkii taariikhda kooxdeeda ugu fiicnaa ee tartanka kooxaha Yurub waxayna soo laabasho cajiib ah oo kulankii lugta labaad ee wareega siddeed dhamaadka UCl ay kaga yaabsatay Barcelona.

Roma ayaa noqotay mid shaqo qayra caadi ah ka samaysay kulankii Olympico Stadium iyada oo guuldaradii 4-1 ka ahayd ee Camp Nou ku soo gaadhay Barcelona ugu badashay 3-0 waxayna afar dhamaaadka UEFA Champions League ugu soo baxday goolkii martida ahaa ee ay Barcelona ka soo dhalisay.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo koobtay rekoodhadii iyo xogtii ugu muhiimsanayd ee laga diwaan galiyay kulankii ay Roma ku reebtay Barcelona isla markaana ay ugu soo baxday afar dhamaadka UCl halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

1- Roma ayaa markii ugu horaysay u soo baxday afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub tan iyo xili ciayareedkii 1983-84 waxayna in ay heerkan soo gaadhaan sugayeen 34 sano balse qaabka ay markan ku soo gaadheen ayaa noqotay mid ay taariikhdu xusi doonto.

2- Roma ayaa rekoodhkii kooxdeeda ee abid ugu fiicnaa xili ciyaareedkan ka dhigtay garoonkeeda Stadio Olimpico iyada oo kulankii shanaad oo xidhiidh ah ee kulamada UEFA Champions League aan hal gool looga dhalin, mana jirto waqti kale oo ay taariikhda kooxdeeda soo awooday in hal xili ciyaareed shan kulan oo xidhiidh ah aan garoonkeeda goolal looga dhalin.

3-Barcelona ayaa kulankii Roma looga dhaliyay 3 gool waana tiro goolal ah oo ka badan isku darka dhamaan goolashii looga soo dhaliyay 10 kii kulan ee UEFA Champins League ee ay xili ciyaareedkan soo ciyaartay.

4- Barcelona ayaan hal guul ah soo gaadhin dhamaan shantii kulan ee ugu danbeeyay ee ay marti ku soo noqotay wareegyada kala baxa UEFA Champions League iyada oo soo heshay afar guuldaro iyo hal barbaro waxaana looga soo dhaliyay 13 gool iyada oo hal gool oo kaliya soo dhalisay.

5-Daniele De Rossia ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee Champions League dhaliyay tan iyo October 2015 kii markaas oo uu laba gool ka dhaliyay kooxda Bayer Leverkusen.

6-  Roma ayaa noqotay kooxdii saddexaad oo kaliya ee kulan wareega kala baxa UEFA Champions league ka soo kabsatay guuldaro 3+ gool oo kulankii lugtii hore soo gaadhay waxaana uga horeeyay Deportivo vs Milan – 2003-04 markaas oo ay kooxda ree Spain ee Deportivo ka yabsatay Milan  iyo Barcelona Vs PSG -2016/17 kaas oo ahaa kulankii xili ciyaareedkii hore ee ay Barca kaga yaabsatay PSG.

7- AS Roma ayaa noqotay kooxdii labaad ee horyaalka Talyaaniga ka dhisan ee xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah Barcelona ka reebtay UEFA Champions League iyada oo xili ciyaareedkii horeba ay Juventus ahayd kooxda Barca ka cidhibtirtay UCL.