Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka oo Masar u gaaray raadinta..

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa Isniinta maanta ah booqasho aan horay loosoo shaacin ku gaaray Magaalada Qaahira ee Xarunta Jamhuuriyadda Carbeed Masar iyada oo faah-faahin laga helayo ujeedka socdaalkiisa.

Labo qodob ayaa ugu wayn safarka degdega ah ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken waana in uu raadiyo xabbad-joojinta ay ka meermeerayso Israaiil iyo in uu farageliyo khilaafka ka dhex jira Yuhuudda Dhexdheeda.

Blinken ayaa sheegay in uu aad ugu xun yahay khilaafka soo kala dhexgalay Wasiirro katirsan kuwa Dagaalka ee Israaiil oo isku casilay sabab la xiriirta khilaafkaas balse waxa uu ugu baaqay in xaaladda la dajiyo maadaama dagaal ay ku jiraan.

Antony Blinken ayaa kulan aftirasho ah la qaadan doonno Madaxda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar si uu ugu sii gudbo ujeedka kulanka ugu wayn ee dhexmaraya Israaiil iyo Maraykanka si waji kale loogu yeelo dagaallada ka socda bariga dhexe.

Mas’uuliyiin katirsan qaybta sirdoonka Maraykanka iyo Israaiil ayaa ku sugan Masar waxa ay ka shirayeen muddooyinkii dambe qaabka loo dejin karo qorshaha xabbad-joojinta maadaama maalin weliba Yuhuudda ay dhiig badan daadinayso.