Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare iyo Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta, Mudane Kaamil Maxamed Shaarawi, iyadoo kulanka lagu lafaguray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta wada-shaqeynta dhinacyada maamulka baarlamaannada, is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta, tayeynta iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha, iyo kor u qaadidda hufnaanta iyo tayada howlaha baarlamaaniga ah.

Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wadatashiyada iyo iskaashiga farsamo ee u dhexeeya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, si loo abuuro hannaan wax-ku-ool ah oo kor u qaada horumarinta hay’adaha sharci-dejinta iyo adeegyada ay bulshada u hayaan.

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa xusay in iskaashiga Baarlamaanka Carabta uu door muhiim ah ka qaadan karo kobcinta awoodda shaqaalaha iyo casriyeynta maamulka baarlamaanka, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay hay’adaha baarlamaannada gobolka iyo dunida Carabta.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Carabta, Kaamil Maxamed Shaarawi, ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii ballaarinta wada-shaqeynta labada dhinac, isagoo carrabka ku adkeeyay in Baarlamaanka Carabta uu diyaar u yahay inuu taageero dadaallada lagu horumarinayo howlaha baarlamaanka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha iyo horumarinta maamulka.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee labada hay’adood, lana dardargeliyo barnaamijyada iskaashiga ee kor u qaadaya hufnaanta, tayada shaqada baarlamaanka iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dhinac.