Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda XFS oo Ka Qaybgalay Madasha Sharciga iyo Maamul-wanaagga Cimilada ee 2026

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay munaasabadda Maalinta Sharciga iyo Maamul-wanaagga Cimilada (Climate Law and Governance Day 2026), oo ah madal sannadle ah oo ay isugu yimaadaan hay’adaha ku shaqada leh sharciga, caddaaladda, maamulka iyo arrimaha la xiriira isbeddelka cimilada.

Madashan ayaa ah goob ay khubarada, masuuliyiinta dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ku falanqeeyaan doorka sharciga iyo nidaamka dowladnimo ee wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xoojinta shuruucda, maamul-wanaagga iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.

Doodaha iyo falanqaynta madasha ayaa salka ku hayay ra’yiga talo-bixinta ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ Advisory Opinion), kaas oo la soo saaray 23-kii Luulyo 2025, waxaana lagu faahfaahiyay waajibaadka sharci ee ka saaran dowladaha caalamka wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Ra’yigan sharciyeed ayaa muhiimad gaar ah u leh dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in dowladuhu qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada, laguna xoojinayo mas’uuliyadda sharci ee dhinacyada ay khuseyso.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda ayaa intii uu madasha ka hadlayay carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in sharciga iyo caddaaladdu noqdaan udub-dhexaadka doodaha iyo tallaabooyinka lagu wajahayo isbeddelka cimilada. Waxa uu tilmaamay in arrimaha cimiladu aysan ku koobnayn oo keliya dhinaca deegaanka, balse ay sidoo kale si dhow ula xiriiraan xuquuqda bulshada, cadaaladda iyo waajibaadka dowladeed.

Waxa uu sidoo kale xusay in wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimiladu ay u baahan tahay hay’ado dowladeed oo leh awood sharci, maamul hufan iyo nidaam isla-xisaabtan oo shaqeynaya, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha iyo barnaamijyada cimilada loo fuliyo si waafaqsan shuruucda iyo baahiyaha bulshada.

Sidoo kale, Xoghayaha Joogtada ah ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo hufnaanta maamulka maaliyadeed, gaar ahaan dhaqaalaha loogu talagalay la-qabsiga saameynta isbeddelka cimilada iyo wax ka qabashada khasaaraha iyo waxyeellada aan laga baaqsan karin ee ka dhasha musiibooyinka cimilada.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo ay si joogto ah u saameeyaan abaaraha daba dheeraada, fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee la xiriira isbeddelka cimilada. Arrimahan ayaa sare u qaadaya baahida loo qabo sharciyo iyo hay’ado awood u leh inay maareeyaan khatarahaas, isla markaana xaqiijiya in bulshada ay hesho taageerada iyo adeegyada ay u baahan tahay.