Xogihii ugu dambeeyey Dagaalka Bariga Dhexe:-
Kadib Weerarkii duqeymaha ee Diyaaradaha Mareykan iyo Isr*1l ku qaadeen Caasimada Tahran ee Iran. Waxa uu galay Gobolka bariga dhexe marxalad halis ah kadib weeraro milatari oo is-daba joog ah ay Iran jawaab adag uga dhig in ay Gantaalaheeda ku beegsato Saldhigyada Ciidan Mareykanka iyo Gudaha Isr11l.
Dawlada Qadar ayaa goor dhow ku dhawaaqday in joojisay dhammaan isu-imaatinnada Goobaha Cibaadada bisha Ramadaanka sababo la xiriira digniinaha Gantaalada cirka ee Iran oo laga maqlay caasimadda Doha ee Dalkaasi.
Dowlada Iran ayaa daraasiin Gantaaladeeda ku garaacday dalal ay ka mid yihiin Bahrain, Kuwait, Imaaraadka, Saudi Arabia, Qatar, Jordan iyo Xuduudaha Iraq, ayaa la soo warinayaa in lagu beegsaday saldhigyo milatari oo uu Mareykanku leeyahay, sida xarunta US Fifth Fleet ee Bahrain, Al-Udeid Air Base ee Qatar, Al-Salem ee Kuwait, iyo Al-Dhafra ee UAE. Dalalkaasi waxay cod dheer ku cambaareeyeen weerarada, iyaga oo sheegay in la jebiyey xeerarka caalamiga ah iyo madaxbannaanidooda.
Iraan ayaa horey u balan qaaday hadii Mareykanka uu weerar kusoo qaado uu dhamaan saameyn doono dalalka Gobolka Bariga dhexe, isla markaasina ay si toos ah u beegsan doonaan Xarumaha Safaaradaha iyo saldhigyada Milarai ee uu ku leeyahay Bariga dhexe.
