Xogihii ugu dambeeyey ee Xiisada Bariga dhexe ee u dhaxeysa Iran & Israel | Warbixino Kooban:-
Tan iyo weerarkii ay Israa’iil ku qaaday xarumo muhiim ah oo Iiraan leedahay sida Natanz, Fordow iyo Isfahan, waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda gobolka. Madaxa IAEA, Rafael Grossi, ayaa xaqiijiyay in ay jirto wasakho raadiyooloji(radiological)i yo kiimiko oo laga helay xarunta Natanz, inkastoo uu sheegay in ay tahay mid la maareyn karo.
Dhinaca kale, labo sarkaal Maraykan ah ayaa u sheegay Reuters in milateriga Mareykanka uu ka qeyb qaatay joojinta gantaallo Iiraan ka socday oo lagu bartilmaameedsaday Israa’iil. Isla waqtigaas, booliiska Israa’iil ayaa daadgureeyay dad ku nool dhisme ku yaalla Tel Aviv oo laga cabsi qabo inuu dumo kaddib markii uu ku dhacay gantaal.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si gaar ah ula hadlay hogaamiyeyaasha Iiraan iyo Israa’iil. Wuxuu cambaareeyay weerarrada Israa’iil, isagoo ku baaqay in xal diblumaasiyadeed loo raadiyo khilaafka ka taagan barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Wuxuu sidoo kale tacsi u diray shacabka iyo Saraakiishii Iiraan.
Jim Walsh, oo ah khabiir nukliyeerka ku takhasusay, ayaa ka digay in weerarrada Israa’iil ay Iiraan ku riixi karaan ama ku qasbi karto in ay bilawdo qorshe ay ku sameysaneyso hub nukliyeer ah. Hase yeeshee, Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa u xaqiijiyay Putin in Tehran aysan marnaba dooneynin in ay hesho hub nukliyeer ah, isla markaana ay diyaar u tahay in ay bixiso dammaanad rasmi ah.
Ugu dambeyntiina Waxaa wali xiran hawada Iiraan ilaa 2:00 duhurnimo Sabti (waqtiga maxalliga ah), sida ay sheegeen maamulka duulista rayidka ee dalkaas.