Mareykanka ayaa sheegay in uu fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada kooxda ISIL (ISIS) ee Suuriya, kaddib markii xukunkii Madaxweyne Bashar al-Assad uu si lama filaan ah u dumay.
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa Axaddii ku dhawaaqay in in ka badan 75 bartilmaameed, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal, xubno iyo xarumo tababar oo ISIL ah, lagu garaacay si loo hubiyo in kooxda hubaysan aysan ka faa’iidaysan xaaladda uu ka tagay xukunkii al-Assad. CENTCOM ayaa sheegay in qiimayn ku saabsan khasaaraha lagu sameynayo duqeymahaas oo ay fulinayeen diyaaradaha dagaalka, sida Boeing B-52 Stratofortress iyo McDonnell Douglas F-15 Eagle, balse aysan jirin wax muujinaya khasaare rayid.
Taas shaki kuma jirto – ma oggolaan doono in ISIS ay dib isu abaabusho oo ka faa’iidaysato xaaladda haatan ee Suuriya,” ayuu yiri Taliyaha CENTCOM General Michael Erik Kurilla.
waxa uu intaasi kusii daray “Dhammaan kooxaha ka howlgala Suuriya waa in ay ogaadaan in aan mas’uuliyad saari doono haddii ay la shaqeeyaan ama taageeraan ISIS si kasta oo ay noqoto.”
Duqeymaha ayaa yimid iyadoo Madaxweyne Mareykanka ah xilka ka sii degaya, Joe Biden, uu ku tilmaamay dhicistii xukunkii al-Assad inay tahay “waqti halis ah” iyo “fursad taariikhi ah.” Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad, Biden ayaa sheegay in al-Assad ka tagistiisu ay tahay fursad dadka muddada dheer dhibban ee Suuriya ay u heli karaan inay “dhisaan mustaqbal wanaagsan oo dal sharaf leh ay yeeshaan.”
“Sidoo kale waa waqti halis ah oo aan la hubin waxa dhici doona. Iyadoo aan dhammaanteen u jeedsanayno su’aasha ku saabsan waxa soo socda, Mareykanka wuxuu la shaqeyn doonaa saaxiibbadiisa iyo dhinacyada danaha ku leh Suuriya si ay uga faa’iidaystaan fursadda iyo inay maareeyaan khatarta,” ayuu yiri Biden.
Biden ayaa sidoo kale sheegay in taageeradii hoos u dhacday ee dowladda al-Assad ee ka imaaneysay Ruushka, Iran iyo Xisbullah ay kaalin weyn ka qaadatay burburka xukunkiisa.
“Muddo sannado ah, taageerayaasha ugu waaweyn ee Assad waxay ahaayeen Iran, Xisbullah iyo Ruushka. Laakiin toddobaadkii ugu dambeeyay, taageeradooda way burburtay – dhammaantood – sababtoo ah maanta aad ayay uga tabar daran yihiin marka loo eego markii aan xilka la wareegay,” ayuu yiri Biden.
Burburka lama filaanka ah ee 53 sano oo xukunka qoyska al-Assad uu keenay xaalad aan la hubin oo amniga Bariga Dhexe ah, oo ay ku jiraan joogitaanka ciidamo Mareykan ah oo lagu qiyaasay 900 oo ku sugan Suuriya.
Madaxweyne la doortay Donald Trump, oo muddadii xilka ugu horreysay amar ku bixiyay in tirada ciidamada Mareykanka ee Suuriya lagu dhimo kala bar kaddib markii laga dhaadhiciyay inaan laga bixin gebi ahaanba, ayaa Sabtidii tilmaamay in maamulkiisa uusan faragelin doonin wax dagaal ah oo ka dhaca dalkaas.
“Suuriya waa jahawareer, laakiin ma ahan saaxiibkeen,” ayuu Trump ku qoray Truth Social, kahor inta uusan u wareegin qoraal dhan oo xarfaha waaweyn ah si uu xooga u muujiyo.