Xogta Darawalkii Farmaajo ee u goostay kooxda AS.

Waxaa la xaqiijiyey in darawalkii gaarka ahaa ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u goostay kooxda Al-Shabaab, arrintaan oo tartiib u soo ifbaxday ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka yaabisay dadka Soomaaliyeed.

Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, Sahal Maxamed Xirsi wuxuu ahaa darawalkii qaaska ahaa ee Farmaajo, kaas oo waday gaarigii garoonka Aadan Cadde geeyey Farmaajo safarkii ugu dambeeyey ee Garoowe uu ku tegay.

Sahal ayaa gaarigii Farmaajo la baxsaday markii uu ka soo laabtay garoonka, waxaana naloo xaqiijiyey inuu isku dhiibay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Sahal ayaa la sheegay in maalmo ka hor uu ka degay magaalada Kismaayo ee Jubbaland, isla markaana uu kaga sii gudbay deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, si kooxdaas uu ugu dhex noolaado.

Ilaa hadda kooxda Farmaajo wax faahfaahin ah kama bixin halka uu ku dambeeyo darawalkii gaarka ahaa ee Farmaajo, balse dadka sida dhow ula socda arrintaan ayaa dib u xusuusanaya xaaladihii amni ee dalka ka jiray xiligii uu xukunka joogay Farmaajo.

In darawalkii Farmaajo uu Shabaab aaday maalmo kadib markii uu dhacay weerarkii Hotel SYL oo ku yaalla banaanka hore ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sii badinaya shakiga laga qabo xiriirka ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo kooxda Farmaajo.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dagaal culus ku qaadat Al-Shabaab markii ay xukunka kala wareegeen tii Farmaajo, waxaana gobollada dalka ka bilowday dagaal toos ah, halka uu Muqdisho ka bilowday howlgal kale oo lagu kala saarayo isku milanka Shabaab iyo hey’adaha dowladda.

Dad badan oo ku dhex qarsanahaa hey’adaha dowladda ayaa lagu guuleystay in banaanka lasoo dhigo, kuwaas oo la shaqeyn jiray argagixisada, dadkaas waxaa laga xusuustaa, masuuliyiin ka tirsanaa maamulka degmada Hodan, guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenley iyo saraakiil la toogtay oo awoodooda ciidanimo ku gudbi jiray qaraxyadii lagu laayey dadka reer Muqdisho.