Xogta qaabkii loo dilay Marxuum Shaafici Gaab

Waxaa maanta magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug lagu dilay Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye (Shaafici Gaab) oo kamid ahaa Dhalinyaradda firfircoon ee Degaanka.

Marxuum Shaafici ayaa lagu dilay agagaarka Hoyga uu ka dagantahay Senator Dhageey Ugaas Magaaladda Dhusomareeb ee Caasimadda Galmudug.

Wararka ay heshay Radio Galgaduud ayaa xaqiijinaya in Marxuum Shaafici Gaari uu watay ay rasaas ku fureen Ilaaladda Guriga Senator Dhageey, waxaana ku geeriyooday goobta Marxuum Shaafici Cabdi Xaaji.

Xogta ayaa intaa ku dareysa in Ciidamadda Amaanka ay xireen Askartii Dilka ka danbeysay.