Ciidamadda Nabsugidda Dowladda Somaliya ayaa dib ula wareegay Saldhigga Guriceel kadib dagaal xooggan oo ka dhacay Degmadda.
Ciidankii Ahlusunna ee maanta la wareegay Saldhiga Guriceel ayaa isaga baxay saldhigga.
Inta la ogyahay 2 ruux ayaa ku dhimatay oo dhinacyadii dagalamay, waxaana dhaawacmay 4 kale.
Sidoo kale waxaa gubtay goobo ganacsi iyo Carwooyin ka yaalay Dhabarka danbe ee Maqaayadda Daarasalaam kadib markii koronto ay rasaastu jartay Dab ka kacay uu ku faafay Xarumahani ganacsi.
Dhanka kale Magaaladda Dhusomareeb waxaa wali ka socda Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda iyo Ahlusunna, waxaana jira qasaaro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Dagaalkii maanta ka dhacay Magaaladda Dhusomareeb.