Xubin Katirsan kooxda AS oo isa dhiibay.

Sheekh Nuur Macalin Isxaaq oo Magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Shamso Diin ) waa Horjooge ka tirsanaa khawaariijta ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.
Wuxuuna khawariijta u qaabilsanaa Jabhada isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo dhowr ah.
Sheekh Nuur ayaa ka hadley Sababta ku kaliftey in khawariijta isaga soo baxo Ayuu ku sheegey ka been sheegida Diinta Islaamka Cadaalo daro iyo Dhibatada ay Shacabka ay ku hayaan.
Ugu dambeyntii Wuxuu Baaq udirey Dhallinyarada ku jirta Khawariijta horey loo qaldey isagoona ugu baaqey in ay isaga soo baxaan Dowladda isku soo dhiibaan .