Xubnaha Aqalka Sare Oo Maanta Ka Doodaya Arrinta Shirkada DP World

Magaalada Muqdisho waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah kulan ku yeelan doona Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka Maanta ayaa waxaa looga doodi doonaa Sida ay warbaahinta u sheegeen Xubno ka tirsan Aqalka sare Xeerkii Maalin ka hor  ay ansixiyeen Golaha Shacabka ee dalka looga mamnuucay Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Shalay ayaa Xubnaha Aqalka Sare qorshuhu ahaa in ay ka doodaan Xeerka dalka looga mamnuucay Shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka Isutaga Imaaradka Carabta balse kulankoodii uu dheeraaday,isla marakana ay ka hadleen arrin ku saabsan weerarkii Hoyga Sanoter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Kulanka Maanta ee Aqalka Sare ayaa ah mid xasaasi ah,waxaana dood kadib la la filaya in Golaha Shacabka ay ku raacaan Go’aankii DP World dalka looga mamnuucay ama ay wax ka bedel ku sameeyeen,waxana intaasi akdib uu u gudbi doonaa Madaxweyne Faramaajo si uu u saxiixo.