Xubnaha Golaha Deegaanka D/Guriceel ayaa maanta Doortay Gudoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada, taasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Arimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Dowladaha hoose, waxa ay noqineysaa Guriceel Degmadii 6-aad oo laga hergaliyo Gole Deegaan.
Madasha Doorashada waxaa ka soo qeyb galay, wasiirka Arimaha gudaha Galmudug, Cabdi Jaamac Mohamed (Waayeel), Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore, Wasiirka ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaaalaha Galmudug Maxamed Nuur Diini, Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Cismaan Ciise Taar, Guddoomiyihii hore ee Gudiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim, Guddoomiyaha Gobalka Galgaduud Cilmi Cali Cabdi, Gudoomiyaha Caasimada Dhuusamareeb Cabdirahmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow), Guddoomiyaha Degmada Matabaan Bashiir Cabdirahmaan Sheekeeye, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug, taliyaha Booliska Galmudug, Khalif Cabdulle Maalin, taliyaha Hay,ada Nabad sugida Galmudug feysal Ibrahim Caanood, Taliyaha Guutada 15-aad Qeybta 21-aad ee CXDS Cabdifitaax Haruushe, Odoyaasha dhaqanka, Ururada Dhalinyarada iyo Haweenka iyo Masuuliyiin kale duwan oo lagu Casuumay munaasabadda.
Musharaxiinta ku tartameysa Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka Degmada Guriceel.
Goobta ay doorashadu ka dhaceysay oo ahayd meel aad u diyaarsan isla markaasne Gudiga Diirashada ee Wasaarada Arimaha Gudaha ay u dhammeystireen Dhammaan agabkii doorashada, waxa ay ku bilaabatay Jawi degan.
Musharaxiinta ku baratamayey Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Guriceel ayaa kala ahaa, Faarax Abdi Moalim iyo Abdikariin Ugaas Hassan Ugaas Max,ed.
Halka Musharaxiinta ku loolamayey Gudoomiye ku xigeenka Degmada ay kala ahaayeen, Shaafici Jaamac Abdi iyo Cali Ciise Saalax.
Intaas ka dib waxa la gudagalay dhageysiga Qudbadaha Murashaxiinta oo mid kastaa Sharaxay, hadii uu ku Guuleysto Xilka uu u taagan yahay waxa uu qabanayo iyo waxyaabaha u qorsheysan ee Ahmiyada uu siinayo si uu u hormariyo Degmada.
Dib Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Guruceel oo ka kooban 23 Xubnood ayaa bilaabay in ay santuuqa codka ku kala saaraan afarta Musharax oo u taagan Xilka Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Golaha deegaanka Degmada Guriceel.
marka dhammaatay Codeytii waxaa natiijada iyo sida loo kala guuleystay ku dhawaaqay Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Golaha Deegaanka ee Waasarada Arimaha Guduha Galmudug ugu xilsaaran Mudane Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay “”Musharaxiinta u tartameysay Gudoomiyaha Waxa ay kala heleen,Faarax Abdi Moalim, waxa uu helay 16 cod, halka Abdikariin Ugaas Hassan, uu la tartamay uu helay 7 cod, wax cod ah oo halaabay majiraan halka Shaafici Jaamac Abdi, waxa uu helay 18 cod, cali Ciise saalax uu la tartamayey uu helay 3 cod, 2 cod waa halowday.
Hadaba Gudoomiyaha D/Guriceel waxa ku guuleystay Faarax Cabdi Axmed halka Shaafici Jaamac Cabdi uu asne ku guuleystay Gudoomiye ku xigeenka Degmada””
..DHAMMAD
