Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa Aqalka Madaxtooyada uga qeyb galay, munaasabad casho sharaf ah, oo lagu dhaarinayay Xubnaha cusub Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga in ay la yimaadaan shaqo hufnaan isla markaasne karti ku dheehantahay, kuna gutaan waajibaadka saaran, dhanka kale waxa uu tilmaamay in shacabka iyo maamulka Galmudug ay tallaabooyin dhaxal dhal ah u qaadeen dhanka dowlad dhiska, maamul daadajinta iyo dimuqraadiyadda.
Munaasabadda dhaarinta Guddoonka iyo xubnaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Galmudug, sidoi kale waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baaralamaanka Dowlkad Goboleedka Galmudug mudane Maxamed Nuur Gacal, Xeer ilaaliyaha Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha Galmudug .
Golaha Wasiirada Galmudug ayaa sideedii Bishaan December, ayaa kulankii Khamiislaha ahaay Cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xubnaha Guddigaan madaxa banaan ee Doorashooyinka Galmudug.
