Xubnaha mucaaradka siyaasadeed ee dalka ayaa oggolaaday in ay wadahadal la yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, si looga wada hadlo arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashada.
Wadahadalkan ayaa yimid kaddib cadaadis isa soo tarayay oo ka imanayey bulshada rayidka ah, saaxiibada caalamka iyo waxgaradka dalka, kuwaas oo ku baaqayay in xal siyaasadeed lagu dhameeyo muranka doorashooyinka, lagana fogaado is-mari-waa iyo qalalaase siyaasadeed.
Mucaaradka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal furan oo daacad ah, kaas oo lagu gaari karo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, kuna saleysan dastuurka iyo heshiisyadii hore ee lagu gaaray shirarkii qaran. Waxay sidoo kale adkeeyeen in wadahadalku noqdo mid miro dhal ah, isla markaana lagu ixtiraamo aragtida dhammaan dhinacyada siyaasadda.
Dhankiisa, Madaxweynaha ayaa muujiyay soo dhoweyn ku aaddan wadahadalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay in doorashooyinka dalka ku dhacaan jawi nabadeed, daahfuran oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada ay khusayso.
Wadahadallada la filayo in ay dhawaan billowdaan ayaa lagu wadaa in ay diiradda saaraan nooca doorashada, waqtigeeda, guddiyada doorashada, iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka-qaybgal siyaasadeed oo ballaaran.