Xubno Badan oo Katirsan Kooxda AS oo Lagu dilay Howlgalo Kadhacay Gobolka Shabeelada Hoose

Degaano iyo Degmooyinka badan oo katirsan dowlad Gobolleedyada Dalka waxaa kasocda Dagaalka kadhankaa kooxda alshabab halka kuwa kalane loo madalsan yahay inuu ka Bilowdo Dhawaan

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay hawgal ka dhacay deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellada Hoose in lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Al-Shabaab.

Hawgalkaan ayey Dowladda Soomaaliya ku sheegtay in ay iska kaashadeen fulintiisa Ciidama Xoogga dalka iyo Saxiibada Caalamka ee Soomaaliya, iyada oo xustay in lagu dilay hawgalka horjoogayaal ka tirsan Al-Shbaab oo ku sugnaa guri ku yaal deegaanka Towfiiq.

Hawgalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli gobollada dalka uu ka socda abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo xooggiisa uu ka socda Gobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug kuwaas oo ka wada tirsan Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.