Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Ra’iisul Wasaare hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, kuwaas oo magaalada u yimid ka qeybgalka Shirka beri uga furmi doona Xubnaha kala duwan ee Mucaaradka Soomaaliya.
