Xubno katirsan kooxda AS oo howlgal lagu dilay.

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta howlgal culus ay ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee ka howlgasha Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku gaaray Sarmaan-dheere iyo Mooro-busbus ee gobolka Baay, waxaana lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in marka la dilayay ay uruurinayeen lacago baad ah, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka.

“Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal ay xalay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Baay waxa ay ku dileen Cabdullaahi Caliyow iyo Najiib Cabdisalaan oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuna howlanaa uruurinta baad ay ka qaadayeen dad shacab ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu qaaday kooxda Al-Shabaab.