Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiislayda ayaa dagaal culus la galay dagaalamayaal katirsan ‘AS’ oo weeraray Deegaanka Shabeellow ee Koofurta Gobolka Mudug.
Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Mustaqbal u sheegay in weerar qaraxyo ku billowday in ay ‘AS’ ku qaadeen ciidamadaan iskaashanaya oo kasii feejignaa weerarkaan ka dhacay Deegaanka Shabeellow ee Koofurta Gobolka Mudug.