Xukuumada SML go’aan degdeg ah ku hakiyay Bandhigga Buugga Rabshadaha geliyay Gobolka Awdal.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa la sheegay in uu go’aan degdeg ah ku gaaray bandhigga Buugga Xeer Ciise ee la tilmaamay in uu sabab u ahaa rabshadaha sababay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay Magaalada Boorama.

Cabdiraxmaan Cirro oo guddoomay fariimo kala duwan oo uga kala yimid Golaha Wakiillada, Siyaasiyiin, Madax xilal kala duwan Somaliland kasoo qabatay, Salaadiinta dhaqanka iyo baaqyada kale ee caalamiga ah ayaa go’aansaday hakinta bandhigga Buuggaan.

Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland ee maanta waxaa saameyay xaaladda Gobolka Awdal iyada oo Guddoonkooda uu sheegay in aanay dood u furnayn balse laga doonayo in ay si degdeg ah ugu baxaan arrintaan si loo damiyo.