Xukuumadda oo lagu eedeeyay inay gadaal ka riixeyso Mooshinka Jawaari

Xildhibaano ka soo horjeeda Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa qaarkood waxa ay sheegeen in Mooshinkan laga soo abaabulayo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, qeybna ay ka yihiin Golaha Wasiirada.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha Shacabka oo la hadlay warbaahinta

ayaa waxa uu sheegay in dhammaan Golaha Wasiirada intooda ka mid ah Xildhibaanada inta safaro Dibadda ah ku maqan iyo kuwa gudaha joogaba ay wada saxiixeen.

Wuxuu kaloo sheegay xildhibaaan Abuukaate in Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu geed fadhi u yahay Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in arrintan ay timid kadib markii xildhibaanada Golaha Shacabka ay codka kalsoonida siiyeen in dalka laga mamnuuco shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

“Arrintan waxaa lug toos ah ku laheyd Xukuumadda gaar ahaan kuwa xildhibaanada ah, ujeedkooda waxa uu ahaa in Jawaari ay xilka ka tuuraan, arrintan waxaa geed fadhi u ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kahyre.” Ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate.